Maxay la wadaageen Garaadada Sool Gudiga QM?

Weftigii Golaha amaanka QM ee xaqiiqo raadinta ahaa,waxay kula kulmeen Caasimada PL ee Garowe Garaadada Beesha Dhulbahante.

Garaadadu waxay ka hadleen Gudiga xaqiiqo raadinta ah Lix Qodob oo kala ah…

1. Taariikhda Dhulbahante.
2. Daraawiish.
3. Doorka xornimada ee Dhulbahante.
4. SL in aysan qeyb ka ahayn.
5. Dhibkii dhacay oo SL dusha ka saareen.
6. Magaca siyaasadda SSC-Khatumo.

Gudiga oo qorshahoodu ahaa in ay tagaan Laascaanood ayaysan usuuroobin maadaama dagaalku weli socdo.

Sidan oo kale Gudi xaqiiqo raadin ah ayay Qaramada Midoobey udirtay Hargaysa si ay wax uga soo waydiiyaan xasuuqa dhankooda maamulka SNM ee Muuse Biixi.

Kulamadan kadib Golaha amaanka ee QM,ayaa ufariisan doona dood ku aadan xaalka LC bishan dabayaaqadeeda soona saari doona go’aamo.

Rajo fiican,ayaa laga qabaa in BC garab istaagto shacabka la xasuuqay ee reer LC.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading