Maxay la wadaageen Wasaarada Amniga iyo Taliska Booliska PL Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka ?

Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane,Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane,Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane,Maxamed Maxamuud Cisse,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo golaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta Amniga.

Guddiga Joogtada ah,ayaa su’aalo ka weydiiyey natiijadii ka soo baxday kormeer iyo joogteyn ay guddiyadu Goluhu ay ku tageen saldhiyada magaalada Garowe, kaasoo u jeeddadiisu ahayd la socodka habsami u socdka shaqada Saldhigyada u kuurgelidda baahiyaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib oo mas’uuliyihiintu ka yeesheen arrimahaas waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga, horumarinta iyo teyeynta ciidanka Booliska, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka.

Ugu dambayn, guddiga joogtada ahi waxay mas’uuliyiinta kula dar-daarmeen in qorshe cad laga yeesho sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, waxayna ballanqaadeen in ay korjoogteyn ku samaynayaan hay’adda dawladda, si loo xaqiijiyo waxqabadkooda, iyagoo u mahadceliyey guud ahaan ciidanka Puntland iyo shaqada ay dalka u hayaan.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading