Maxay noqon kartaa cunaqabataynta Maraykanka ugu hanjabay Madaxda Somalida ?

Sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed, kuna xeeldheer arrimaha xiriirka caalamiga ah Shawqi Xayir oo BBC-da la hadlay, xayiraadda Maraykanka waxa ay noqon kartaa mid dhanka socdaalka ah, oo lagula eegto madaxda federaalka iyo tan dowlad goboleedyadaba.

Shaqsi waxa kale oo uu sheegay in Maraykanka ay sidoo kale cunaqabateen ku hanjabeen haddii dib u dhac lagu sameeyo doorashada ama waxyaabo carqaladayn kara.

Mar aan wax ka weeydiinay in madaxda Soomaalida u hoggaansami doonaan hanjabaaddan ayuu Shawqi yiri “Iyada oo aanba loo fiirinaynin hanjabaadda Maraykanka, waxay ila tahay in madaxda ay markab ka dhabayn doonaan heshiiskan, tusaale madaxweyne Farmaajo habbeen hore waa uu taageeray heshiiska”. Wuxuuse qirey in 25-ta feberaayo ay tahay taariikh aad u dhow oo ay adagtahay in hawsha lagu dhamaystiro si kasta oo ay madaxda uga go’antahay in heshiiska la fuliyo.

Shawqi waxa uu qabaa in cunaqabataynta ay qeyb ka noqon karto mid dhaqaale, oo ah in la xayiro hantida dibedda u taala madaxda ay quseyso “Qaar ay hanti bannaanka u taalana waaba jiraan” ayuu intaasi ku daray.

“Balse haddii aan ka tusaale qaadano xaaladii Itoobiya, inta badan ciqaabtan ma saamayso madaxda ee waxay toos u saamaysaa qoysaskooda iyo qaraabadooda” ayuu yiri Shawqi.

Ugu dambeyntii waxa uu Shaqsi qabaa in luuqadda Maraykanka uu isticmaalay ay tahay “si taxadar leh ayaan uga fiirsanaynaa, ee ma aysan oran waan samaynaynaa”, taas oo ka dhigan in Maraykanka uu tixgalinayo duruufaha iyo xaaladaha dabiiciga ah ee ku iman kara hirgalinta doorashooyinka.

Marka laga reebo dadka hawlaha argagixisada loo haysto iyo burcad baddeeda, ma jirto cid arrimo siyaasadeed ama dambiyada kale ee kor ku xusan loo ciqaabay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading