Maxay PL ugu fadhiyaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Ee 3-Degmo?

Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Sadexda Degmo,waxay PL ugu fadhiyaan qiimo weyn.

Gudaha PL Siyaasiyan,waxay qiimo uleeyihiin Maamul wanaaga,ku dhawaanshaha Dowladnimada ee Bulshada iyo kusii socoshada Wadadii Dimuqraadiyada.

Dhanka Xamar PL,Siyaasiyan,waxay jawaab uyihiin qorshihii Villa Somaliya Qof iyo Cod ee fashilmay iyo waxkabadalkii Dastuurka ee fashilmay,waxayna sii xoojinayaan doorkii curadnimo ee ay PL ku lahayd Dowlad dhiska Somaliya iyo in ay tahay halka ay ka nooshahay Dowladnimadu.

Dhanka BC,Siyaasiyan,waxay ugoynaysaa in caalamku markhaati ka noqdo PL oo Dimuqraadiyadii ficil ahaan ufilinaysa,taasoo xurmada nidaam ee PL loo hayo kor usii qaadaysa.

Doorashooyinkan ceebta kaliya ee ay leeyihiin,waa Labada Xisbi ee Shaqaalaha iyo Horseed oo midna uusan Sharciga buuxin midna dhac sharcidaro ah lagu qaatay.

Balse dhaliil walba oo jirta,waxaa ka weyn guulaha lagu gaarayo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading