(Maxay Puntland uga duwan-tahay maamullada kale?

(Maxay Puntland uga duwan-tahay maamullada kale?).

 

Waxaan arkay warar la daabacay oo warinaya in ay jiraan shaqsiyaad ka shaqaynaya burburinta Puntland! Markaan dhugtay warka noocaas ah ayaa waxaa maskaxdayda kusoo dhacay in aan qadiyadaas wax ka qoro.

1- Marka hore waxaan aaminsanahay in Puntland tahay dowlad gaamurtay oo ay u dhammaystiranyihiin Hay’adihii Dowligi ahaa, gu’ahaanna 19 sano jirsatay. Kuwa qaba walwalka iyo in shaqsiyaad lacag la siiyay haddiiba ay jiraaan ay Puntland dumin karaana, waxaan qabaa kuwaasi Puntland ayay gef u gaysteen, ee cadow kama aysan dhicin!

2- Puntland waxay leedahay ciidan u gaar ah oo ay muushaarka siiso, waxay leedahay ilo-dhaqaale oo ay ku tiirsan-tahay, waa maamul dadkiisa ka qaada canshuurta oo adeeg ugu badala, AMISOM kama howlgasho, sidoo kalena waa Maamul leh dad u nool difaaciisa, jiritaankiisa, Iyo Midnimadiisa.

3- Astaamaha aan ku sheegay qodobka 2aad waxay gaar u yihiin Puntlabd oo qura, marka la bar-bar dhigo maamullada kale waa kuwa aan dhinac-na aan isaga filnayn, ugana maarmi karin DF.

Waxaan ku kalsoonahay fahamka, garashada, iyo damiirka Mas’uuliyiinta DF in uusan gaarsiisnayn caqli xummo wax lagu duminayo, ee shaydaanka hala iska naaro.

FG. Haddii ay jiraan shaqsiyaad iyagoo huwan shaati Dowladeed ka shaqaynaya Burburinta Maamullada, kuwaas taariikhda ayaa na baraysa ee aan sugno inta muuqooda aan ka arkayno.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading