Maxay salka ku haysaa Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ugu baxay Dalka Burundi ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Dowladda Burundi ayaa ka careysan mowqifka midowga Afrika ee dalka looga saarayo dhamaadka bishan kun kamid aha skartooda, kuwaasoo laga wadayo gobolka Sh.dhexe, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulanka labada Madaxweyne ay arintaasi qeyb ka tahay.

Burundi ayaa ku andacooneysa in hadii la saarayo tiro kamid ah askarta Amisom ay tahay in laga wada qaado dhamaan dowladaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin dalkan, inkastoo baaqoodaas aan u dheg raaricin hoggaanka midowga Afrika.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading