Maxay Somaliya uga faa’iidaysan kartaa booska Waare loo magacaabay?

Booskan oo ah mid dhawaan la sameeyay horayna aan uga jirin Ururka dhexdiisa,ayaa Somaliya ka caawin doona in ay ka dhex muuqato Siyaasadda Ururada Gobolka iyo caalamka oo idil.

Ku xigeenka Xogeeyaha ururka IGAD waxaa uu carabka ku adkeeyay in kursigaan uu noqon doon mid lagu raadiyo danaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale iyo amni ee ka jira Soomaaliya.

Arrimo dhawr ah,ayay Somaliya uga faa’idaysan kartaa booskan,kuwaasoo laga xusi karo…

1.In diiradda lagu saaro fursad u raadinta Somaliya ee dalalka Gobolka iyo caalamka..

2.Dagaalka Dowladdu ay kula jirto argagixisada.

3.Xasilinta amniga guud iyo Dowlad dhiska Somaliya ee socda.

Muddo xileedka booskan,ayaa ah muddo Afar sano ah, in kasta oo loo cusbooneynsiin karo masuulka markaas ku fadhiya marka uu wakhtigiisu dhamaado.

Waare waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu u gartay in loo magacaabo booska, maadama uu leeyahay khibrada sare,ayna la qaateen Dowladaha kale ee Ururka kula jira.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading