Maxay tahay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka?

Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexe oo ku beegan 8-da bishan Nofeembar oo berri oo Talaado ah ku aaddan.

Waa doorasho khaas ah oo ay Dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo Aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta.

Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan.

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading