Maxay tahay sababta hay’ada Save looga saaray Puntland?

Save,waxaa si Dadban udhex degan oo maamusha Aaran-jaan,waana sababta looga joojiyay Shaqadeedii Puntland.

Ku xigeenka guud ee Somaliya,waa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada PL Ninka lagu magacaabo Ina Cabdi Ladiif,waxaana Deni ugeeyay Maxamuud Shido markay isla socdeen.

Madaxa PL,waxaa ahaa Xaange oo waxaa gaystay Maxamuud Shido,markuu Wasiirka ka dhigayna,waxaa lagu badalay Adeec oo Maxamuud Abti uyahay.

Adeega Gaadiidka,waxaa qaata Abshir Darbo oo Maxamuud Shido ku daaban yahay.

Qandaraasyada oo dhan,waxaa la siiyaa Shirkado Maxamuud leeyahay.

Deni waa la socday xogta Save oo waagii lawada socday,waxay ahayd meelihii laga helay Lacagtii Deni lagu dhistay oo calaa Shaqaale hoose Lacag baa lagu qoray.

Save,waxay maamushaa dhaqaale gaaraya Sanadkii $30-Milyan oo PL ah,waxaana hada jira $17-Milyan oo Waxbarashada la gelinayo,waana midaas mida Deni taakada saaray oo uu rabo in uu uga badasho in ay ka joojiyaan Olalaha Kursi doonka,waxuuna Ciyaartiiba gaarsiiyay guud ahaan Shaqadii PL ay ka hayeen in la hakiyo.

Dowladu,waxay haysaa cadaymo cad oo ku saabsan sababta ay Shaqada uga joojisay marka wefti sare yimaado,waxaana ku filan in ay soo bandhigto ku milanka Siyaasada ee Shaqaalaha Hay’ada.

Aaran waa in ay kala doortaan $30-ka Milyan ee Save iyo Kursiga Villa Garowe kan xasilka u ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading