Maxay tahay sababta Imaaraadku utaageeray Musharaxnimada Gaas?

Markale in uu yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Gaas,waxaa muujinaya saadaashaas hogaamintiisa xilligan.

Musharaxiinta hada hor fadhiya qaar badan oo ka mid ah waxay noqon doonaan Wasiirada Dowlada cusub ee 8-Janaayo.

Deni,waa Madaxweyne hore sida muuqata oo taariikhda galay.

Dowlada Imaaraadka oo u ahayd taageero adag,waxay markan la sintay Gaas oo sida xoguhu sheegayaan waxaa lasoo wada siiyay dhaqaale isku mid ah isaga iyo Gaas.

Qorshe walba oo uu iskugu dayo in uu kusoo laabto ma’ahan mid usoconaya oo xataa Xildhibaanada sida saxda ah ay ugu soo saxiixeen Isimada,ayaan Cod siinayn.

Xildhibaanku,waxa uu rabo waa Laba Qodob…

1.Xurmo iyo wax wada dhisasho.
2.Dhaqaale.

MW Deni Dhaqaale waa hayaa lkn xurmo iyo waxa wada lahaansho ma agtaal,waxaana la hubaa hadii Jaamac Dabaraani oo Afhayeenkiisa ah Xildhibaan looga dhigo in uusan Cod siinayn,sababtoo ah Dadka, waxa uu ula dhaqmaa sidii Boqortooyadii.

Tusaale,waxaa loosoo qaadan karaa Ciidankii Madaxtooyada oo ka gadooday Eex iyo kala fadilid,iyadoo kuwa ay isku haybta hoose yihiin MW Deni unool yihiin sidii Boqortooyadii.

Waxaa kaloo muuqata rabitaan Bulsho oo ay Dadku aad ugu boholyoobeen Dabeecadihii Gaas ee dabacsanaanta iyo wada noolaanshaha.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading