Maxay tahay sababta Itoobiya digniinta uga bixisay Musharaxnimada Aadan Sh.Doon?

Wardoonka Itoobiya,ayaa fariin digniin ah ka keenay Musharaxnimada Aadan Sh.Doon.

Warqada digniinta ah waxay soo gaartay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxay Warqadu gaartay Musharax Aadan Sh.Doon,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka mid ah Qunsuliyada.

Itoobiya,waxay ka walwal qabtaa in uu hogaanka Puntland qabto Nin aad u aaminsan fikrada Xagjirnimada oo waliba tuhumo waa weyn ay sheegayaan xiriir kala dhaxeeya kooxaha Nabadiidka.

Wardoonka Itoobiya,waxuu wakiil ka yahay oo si dadban umatalaa Wardoomada R.Galbeedka lamana fududaysan karo walaacooda.

Aadan Warqadan,waxay ku noqotay waxyeello weyn oo soo gaartay Olalihiisa,kaasoo haatanba nuxuusiyay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading