Maxay tahay sababta loo qariyo Miisaaniyada Dowlada PL?

Gudi aan la Xisaabtami karin Wasaarada Maaliyada,muxuu macna ah oo uu leeyahay?

Gudiga Baarlamaanka ee Dhaqaalaha uqaabilsan,waa lagu tartamaa,sababtoo ah,waxa uu helaa xoogaa Gacan maris fiican ah marka ay ansixinayaan Miisaaniyada.

Xubin walba oo Gudiga ka mid ah,waxaa la siiyaa $2000 oo lagu magacaabo hawl fududayn la micno ah hanala Xisaabtamina ee duuduub usii daaya Miisaaniyada.

Miisaaniyada Dowlada PL,waa mid kaliya ee aan la shaacin marka la barbardhigo tan DFS iyo SL…..

B.Lama yaqaan Miisaaniyada Madaxtooyada ku baxda.

T.Lama yaqaan Miisaaniyada Baarlamaanka ku baxda.

J.Lama yaqaan Miisaaniyada Wasaaradaha.

X.Lama yaqaan Amniga Miisaaniyada ku baxda.

Sida aan xogta ku helay lama ogola in la shaaciyo Miisaaniyada kaliya,waxaa lagu koobaa Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Si gaar ah,waxaa laga ilaaliyaa Saxaafada,hadii mid ka mid ah lala wadaagana,waxaa lagu xiraa shuruud ah in uusan shaacin karin lana wadaagi karin Qof kale.

Cida laga qarinayo waa Shacabkii laga soo ururshay Lacagtan si aysan u ogaan sida loo isticmaalay iyo waxa laga soo qaaday tiradeeda guud.

25-Sano kadib Miisaaniyada PL,waa Suuq madow.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading