Maxay tahay sababta MW Deni uxiray Bangiga Dowlada Puntland ?

Taliska Guud ee Booliska Puntland,waxaa ka maqan Miisaaniyad gaaraysa $80-kun,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil sare.

Halka Taliska Qaybta Bari ay ka maqan tahay $20-kun xiligan,sida uu ii xaqiijiyay Sarkaal muhiim ah.

Madaxweyne Deni,waxuu amray in dhamaan wax kharash ah aysan ka bixi karin Khasnada Dowlada xataa adeega maalinlaha ah,sida aan ka helay W.Maaliyada gudaheeda.

Waxaa kale oo taal Lacagtii Curaarta ee dhismaha Wadooyinka loo jaray oo aan ka xaqiiqsaday Maamulka Dekeda Bosaso.

Sidoo kale Lacagtii laga qaaday Canshuurta Qaadka,ayaa si gaar ah loo ururshay oo taal,sida ay ii xaqiijiyeen Saamilayda iyo W.Maaliyada Madaxdeeda qaar ka mid ah.

Warar,ayaa sheegaya in Madaxweynuhu rabo 24-ka Oktoobar in uu bixiyo Mushahaarka Ciidamada Laba Bilood oo ka mid ah,iyadoo haatan uu ka maqan yahay 6-Bilood.

War kale,ayaa sheegaya in Madaxweynuhu udiyaar garoobayo Doorashada,isla markaana Dhaqaalaha oo idil u usticmaalayo Doorashada.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading