Maxay tahay sababta Trump ugu deg-degayo Canshuurta uu saarayo Wadamada Canada,Mexico iyo Shiinaha?
Hadafkiisu,waa cad yahay,waa danta Maraykanka oo ah….
1.In wax soo saarka Maraykanka Dadku iibsadaan.
2.In Shirkadaha gudaha Maraykanka ku leh Warshadaha iyo Xarumaha wax soosaarkooda mudnaanta helaan,kuwaasoo iskugu jira Maraykan iyo kuwa caalamiya.
3.In Shaqo abuur la helo oo Suuqa Shaqada Maraykanku noqdo mid aan walwal laga qabin.
Maraykanka Canshuur soo rogidan wax culays ah oo uga soo laabanayaa majiro,sababtoo ah waxa uu udhoofiyo Wadamadaas oo aad uyar,waxayna ka yihiin GDP-giisa 2.7%.
Halka Wadamadaas waxa ay dhoofiyaan intiisa badan ay usoo dhoofiyaan Maraykanka,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa…
B.Canada 76% wax dhoofinteeda,waxay usoo dhoofisaa Suuqyada Maraykanka,waxaana GDP-geeda ka yahay 19%.
T.Mexcico,78% wax soo dhoofinteeda,waxay usoo dhoofisaa Maraykanka,wuxuuna GDP-geeda ka yahay 37% .
Talaabadan,waxay Dhaqaalaha Maraykanka ka dhigaysaa mid xoog badan mar walba.
Trump Xisaabtu kama khaldana.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.