Maxay tahay sababta Xasan ugu diray Sanbalooshe Itoobiyaanka?

Xasan Shiikh,ayaa udiray Tayihiisa Sirdoonka Sanbalooshe Imaaraadka Carabta.

Ujeedka Xasan udiray Sanbalooshe,ayaa ah in uu kula kulmo halkaas Saraakiil Itoobiyaan ah.

Itoobiyaanka,ayaa codsaday kulankan,waxayna usoo dhiibeen fariin oranaysa in ONLF uu cadaadis ku saaro ka qaybgalka Shirka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya iyo soo celinta Wada Shaqaynta Dowlada Itoobiya.

Halka Xasan dhankiisana usoo dhiibay Sanbalooshe fariin oranaysa,toobiyaanka in ay kala Shaqeeyaan Axmed Madoobe in uu kusoo laabto Shirka Muqdisho Bishan 26-keeda.

Waxaa la yaab lehoin Xasan xiriir wada Shaqayneed la leeyahay Itoobiyaanka,iyadoo xaalka Labada Wadan meel adag marayo.

Sida Dad badan qabaan isdaadraacintiisii hore ee uu islahaa Itoobiyaanka la samayso xiriir wanaagsan si aad Somalida ugu cadaadiso,ayay Sir kaga qabteen.

Xasan iyo Itoobiyaanka xiriirka dhexmaray,waxa uu gaarsiisan yahay heer markii Xamse uu Magacaabay uu kala tashto oo ay kula heshiiyeen in uu koobo awoodiisa oo kulamada qaar ee caalamiga ah uusan tagi karin,dalabyadaas oo Xasan aqbalay.

Waa wax la yaab leh in Xasan Shacabka Somalida umuujiyo la dirir Itoobiyaan iyo in uu Talyihiisa Nisa udiro Imaaraadka kulana kulmo Saraakiil Itoobiyaan ah oo ay isdhaafsadaan Shaqooyin la qabanayo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading