Maxay tahay shuruuda Midowga Yurub Ee maalgelinta hawlgalka cusub Ee Somaliya?

Midowga Yurub,waxay bixinayaan kala bar Dhaqaalaha ku baxaya 12-ka Kun ee Askri ee fulinaya hawlgalka cusub Somaliya 2025.

Kulanka Xasan Sh iyo Joseph,waxa uu daarnaa Laba Qodob oo kala ah….

1.In Midowga Yurub uxaqiijiyo DFS in ay hayaan Lacagta ku baxaysa 6000 Askari oo qayb ka ah hawlgalka.

2.In Shuruud ay jirto,taasoo ah in xiisada Itoobiya iyo Somaliya hoos loo dhigo oo la dajiyo.

“Midowga Yurub way kasoo horjeedaan sida qaawan ee ay udhaqantay Itoobiya,wayna ka garaabayaan habka ay Badda ku raadinayso in ay Wado khaldan tahay balse xaalka in la qaboojiyo,ayaan codsanaynaa”Ayuu yiri Joseph.

Sida muuqata Lacagta Midowga Yurub,waxaa ku xiran shuruud ah in aan Itoobiya aad loo fogayn oo Gobolka deganaanshiisa la dhowro.

 

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading