Maxay tahay shuruuda Sh.Shariif ku horgudbay Xasan Sh.?

Sh.Shariif,shuruud adag,ayuu ku xiray Xasan Shiikh,taasoo ah…

“Hadaad rabto in aan dagaalka Wadajir ugalno jooji waxa aad ugu yeertay Doorashada iyo Kaararka aad qaybinayso”.

Fariintaas Sh.Shariif,waxa uu udhiibay Odoyaal dhexdhexaadinayay Labada Nin,kuwaasoo ay hormuud u ahaayeen…

1.Baadiyow.
2.Cumar Dhagey.

Sh.Shariif,waa miruq jira markay timaado Xisaabta hoose ee Beelnimo isaga iyo Xasan,waana awooda dhabta ah ee AS jabin karta, isla markaana hor taagan damaca Xasan ee mudo kororsiga.

Xasan,waxa uu Cadale utagay in uu Beelaha ku qanciyo dagaalka in ay ka qaybgalaan,umase suuroobin ilaa iyo hada.

Taladu,waa ka baahday Xasan,wax Gacan ugu jiraana majiraan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading