Maxay tahay ujeedada ka danbaysa ID CARD-KA Xasan daahfuray?

Somaliya ma gaarin xili ay wada samaysato Aqoonsi Qaran oo lagu midaysan yahay,waxaana ka horaysa in Dastuurka la Qabyo tiro oo laga heshiiyo.

Inta ka horaysa DG walba,waxuu leeyahay Aqoonsi ugaar ah sida Puntland oo 2010 samaysatay.

Sidoo kale Gobolka Banaadir,wuxuu samaysan karaa Aqoonsi ugaar ah. (Banaadir ID Card).

Haatan Mashruucan Xasan daahfuray,waa mid lagu helayo Dhaqaale ka kala imaanaya..

1.Maalgelin Baanka Aduunku ku samaynayo Mashruucan.

2.Dadka qaadanaya oo Lacag laga qaadayo.

3.Dayn Cafinta Shuruudaha ku xiran oo ay ka mid tahay in uu jiro Aqoonsi Qaran.

Su’aasha iswaydiinta mudan,ayaa waxay tahay…

Xasan oo qadiyadiisa lawada og yahay ku Aadan Somalinimada iyo Somalida Xuduudaha Gumaystuhu jeexay ku nool malagu aamini karaa arinkan?

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading