Maxay tahay Ujeedada Safarka Ra’iisulwasaare Kheyre ee Gaalkacyo ?

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa lagu waddaa in maalinta Berri ah uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu tagi doono Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la kulmi doono Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u sharaxi doona Wajiga cusub ee Galmudug, maadaama dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dib u heshiisiinta iyo doorashadda Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading