Maxay tahay ujeedada Safarka Wasiirka Maaliyadda Puntland ee Itoobiya ? (Sawirro)

Wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka itobiya gaar ahaan Caasimada Addis Ababa.

Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdul qaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi iyo masuuliyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Dalka itoobiya gaar ahaan Caasimada Addis ababa kaga qayb gali doona shir ku aadan siyaasadaha iyo dayn cafinta Soomaaliya, waxana qabanaaya Bangiga Aduunka laguna Casumay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir waxaa Madaxdan ku saagootiyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading