Maxay tahay ujeedada Safarka Xasan Ee Uganda?

Utagida Musefeni Madaxda kale,waa ka Maagtaan oo waa Nin baratakool xun si khaldana ula dhaqma Madaxda Afrikaanka ah ee soo booqata.

Xasan,waa markii 8-Aad oo uu utago Musefrni loolana dhaqmo si yasmo ah oo lagu yiraahdo hadalo gaf ku ah Guud ahaan Somalida.

Hada,waxa uu ugu tagay Ciidamada Ugandha,waxaan gaynayaa Baydhabo oo Itoobiyaanka,ayaan ku badalayaa.

Ujeedka Xasan,waa fulinta heshiiskii uu la galay Masar ee ahaa in uu geeyo Ciidamada Masar meel Xuduuda Itoobiya udhow oo ay ku tababari karaan kuna hubayn karaan Mucaaradka oo ay si fudud gudaha ugu gelin karaan Itoobiya.

Xasan,waxaad isleedahay,waaba uma baryin oo waxa uu ku dhaqmaa Sheekada Ciyaal Xaafada ee ah “Waa khiyaameeyay Nooh”.

Maba oga in Dowladuhu ka horeeyaan,ka xiriir badan yihiin,ka Wardoon sareeyaan,isla markaana si uusan fahansanayn iskugu xiran yihiin.

Masar,waxaa ku filnayd in uu yiraahdo Ciidan ii dhisa anagaa ku filan ka hortagida Itoobiya.

Masar,waxay keentay Xamar Hub,Diyaaradeedii iyo Bangigeedii,waxayna sugaysaa waxay ku badalatay oo ah Goob muhiim ah oo ay Itoobiya ka shidayn karto.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading