Maxay tahay ujeedada Waftiga ka socda Puntland ee gaaray Godobjiiraan ? (VIDEO)

Waxaa maanta degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal si diiran loogu soo dhaweeyey wafi balaaran oo uu hogaaminayo Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle iyadoo waftigaas uu kamidyahay agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” iyo Injineerka wasaaradda Eng, Cabdiweli Yuusuf Aadan.

Waftigan oo degmada Godobjiiraan kutagay diyaarad ayaa waxaa si heersare ah usoo dhaweeyey maamulka degmada Godobjiiraan, waxgaradka Deegaanka, ardayda iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada waxaana ay halkaas u tageen fulinta mashaariic ay horey wasaaraddu degmadaas ugu balanqaaday.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading