Maxay udegi la’adahay Siyaasada Wadanka muhiimka ah Ee Japan?

Ra’iisul-wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa Arbacadii sheegay inuu xilka ka degi doono bisha soo socota, isaga oo eersaday fadeexooyin siyaasadeed iyo sare u kaca maciishada ee Japan oo cirka ku jirtay muddadi saddexda sano ee uu xilka hayay.

Ku dhawaaqista lama filaanka aheyd ee Kishida, ee ah in uusan u tartami doonin doorashada hoggaanka xisbigiisa ee bisha September, ayaa waddada u xaartay in Japan ay yeelan doonto ra’isulwasaare cusub.

Kishida ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party kaddibna noqday ra’isul-wasaaraha dalka sannadki 2021. Qofki ku soo baxa xilka hogaamiyaha xisbiga ayaana noqon doona ra’iuslwasaaraha soo socda ee Japan.

Wasiirki hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba oo markiiba shaaciyay in uu diyaar u yahay hogaanka sare ee Japan, haddii uu helo kalsoonida xisbiga talada haya.

Waxaa sidoo kale xilka ra’isulwasaaraha isu soo taagay, wasiirka arrimaha dibadda Japan haweeneyda la yiraahdo Yoko Kamikawa, wasiirka arrimaha dijitalka Taro Kono, iyo wasiirki hore ee deegaanka Shinjiro Koizumi.

 

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading