Maxay utaagan tahay Dowladnimada Soomaaliyeed?

WD:-Cabdirisaaq Jubba.

Ummadi marka ay ka tagaan ama aysan lahayn han iyo mabaadi’i ay illaalsato waxaa fuddudaato faragelinta dowladaha shisheeye.
Wali ma iswaydiisay siyaasiga Soomaaliyeed muxuu illaalsadaa maanta ?

Ummad kasta waxaa lagu qiimeeyaa hanka ay leeyihiin. Waligaa hala yaabin faragelinta dalalka shisheeye ee marka hore waxaad iswaydiisaa sababta keentay faragelintaas ?

Dowlad kasta oo dunida ka jirta waxaa jirta waxyaabo ay illaalsanayso ama ay u taagan tahay oo ay halgan adag ugu jirto helideeda.

Tusaalle: Ruushku wuxuu u taagan yahay matelaadda isirka Islaafka ee Yuuraasiya (Eurosia), Iiraan waxa ay u taagan tahay matelaadda dunida Shiicada,inay ahaato dawladda ugu xoogan gobolkaa,iyadoo midaynaysa shiicada gobolka,faafinaysa madgabta shiicada.

Hindiya waa Hinduusanka, Baakistaan waxay u taagan tahay Muslimka kunool qaaraddaas, Turkigu wuxuu u taagan yahay isirka Turkiga iyo dhaxalka Boqortooyadii Cusmaanida, dowladda Itoobiya waxa ay u taagnayd ama u taagan tahay bedqabka Masiixiyiinta Geeska Afrika.

Dowladahaas matelaadda diineed ama tan isireed isku gaaryeelaya marar badan waxay uga danleeyihiin inay jiritaankooda ku macneeyaan oo ay dadkooda u sameeyaan sabab ay u noolaadaan ama u dowladoobaan.

Dowladnimada Soomaaliya ee maanta maxay u taagan tahay? Waa inaan fahano marka hore cida ay matalayso dowladnimadeenu .

waa qodobka aan wali laga bixin sharaxaad dhameystiran, waana sababta ay u kufayso dowladnimada Soomaaliya markasta.

1960, Dowladdii Soomaaliyeed ee hanaqaaday waxa lagu alkumay mabda’ ah “Soomaaliweyn” oo la macno ah soo celinta dhulkii maqanaa ee soomaaliyeed .

Waxa uu ahaa mabda’ sax ah oo awood siiyay dowladdii Soomaaliyeed. Si dhulkaas loo xoreeyo waxaa loo baahday cudud xooggan, dhaqaale iyo warshadayn, waxbarasho tayo sare leh, horumar, iyo diblomaasiyad sare oo dalku kula falgalo gobolka iyo dunidaba.

In kasta oo ay jireen gaabisyo la kowsaday dowladdii curdinka ahayd, haddana hirgelinta hawlahaas oo dhan waxaa fudaydiyay hiraalkii fogaa iyo doonistii xooganayd ee ahayd “soo celinta dhulalkii maqnaa, ilaa xadna dalku waxa uu noqday mid Afrika ka tilmaaman oo sumcad leh.

Si kale haddaan u dhigno, dowladdii dhalatay 1960-kii waxa ay u taagnayd ama sharciyadeedu ahayd xoreynta dhulalka maqan. Taasna somalia waxa ay kala mid ahayd dowladaha xooggan ee dunida, kuwaas oo dhammaantood u taagan sababo la qeexi karo.

Sababo lamid ah dowladaha aan soo xusay, Soomaalidii xornimada heshay waxay dowladnimadooda u sameeyeen macne ay u taagan tahay iyo hiraal la rabo in la xaqiijiyo.

Waxaynu tusaalle ugu soo qaadan karnaa arrintaas, safarkii uu Raiisul Wasaarihii somalia Cabdirashiid Cali Sharmaarke 27, Noofeembar 1962-dii ku tegay carriga Maraykanka waxa uu uga danlahaa safarkiisa in Maraykanku u dhiso Soomaaliya cudud ciidan Molateri oo xoogan, iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Somalia .

Ha yeeshee, markii Ra’isul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka waayay Maraykanka sidii uu rabay, isla markiiba wuxuu u-digo-rogtay dhanka Midowgii Soofiyeed, oo uu ka helay dalabkiisii.

Sababta Ra’isul wasaaraha kala wareegaas uu u sameeyay waxay ahayd,Maraykanku wuxuu sheegay inuu somalia u dhisayo Ciidan Boolis oo kooban,Ciidamo boolis ahna sinnaba uma xaqiijin karin yoolkii ay u taagnayd dowladdii Soomaaliyeed ee ahaa xoraynta dhulkii maqnaa .

Halkaas waxa aynu ka fahmi karnaa sida ay iskugu tolnaayeen raadinta dhulkaas maqan iyo awoodaysiinta Soomaaliyada xorta ah.

Faahfahin Dheeri ah Link-gan Ka Daawo .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading