Maxay yeeli karaan Puntland Magacaabista ugu danbaysay Ee Xasan?

Hal Maalin gadaal uga degi mayno aragtida aan ka qabno Dowlad dhiska Wadanka.

Sidoo kale wixii lagu heshiiyay ilaalintood,waa ku mintidaynaa.

Qayb kama noqonayno ama ma aqbalayno Nin isku diyaarinaya Kalitaliye in uu noqdo.

Sadex arimoodba,waan dhamaystiraynaa……

1.Doorasho Qof iyo Cod ah,waa hirgelinay.

2.Midaynta Shacabka gudaha yo xoojinta Shaqada Dowlada meel fiican bay maraysaa.

3.Wiiqida awooda argagixisada,waa wadaynaa oo Buuraha waa loogu tagayaa,si la mid ah sida Magaalooyinka looga wiiqay.

Sidoo kale xiriirka BC iyo Somalida waxgaradka ah,waa ilaalinaynaa.

Kuwa Xamar ujooga (Anagaa Deni fashilinaynee wax nasii) noolama sina Deni.

Xaafiis Sanad ka harsan yahay Qof loo Magacaabay,waxba kama badali karo Qiyamkayaga.

Waayihii hore Dadku ,waxay ubadnaayeen Dad Qiyam hadase,waxay ubateen Dad Xil iyo Xoolo raadinaya.

Waa hubaa in Deni ka macno badan yahay inta joogta Xamar xiligan dhan walba.

Inta Xasan Xamar joogo oo ay agtaagan yihiin Shaqo gaaban doonka,Deni,ayaa noo boqran oo mudnaan noo leh.

Somaliya Dimuqraadi ah,Fadaraal ah oo Qaran mid ah ka geli mayno gorgortan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading