Maxay yihiin fursadaha Siyaasadeed Ee Deni lumiyay oo uu ku Caano maali lahaa?

Ogow fursadahaas Siyaasadeed,waa ufurnaayeen,waana ku Caano maali lahaa Deni?

1.Haduu Faroole la heshiin lahaa oo Wiilkiisa Wasiirka siin lahaa,waxuu heli lahaa Xisbigooda iyo Hubka Jimcaale hayo.

2.Xasan Shire haduu ku sii hayn lahaa Wasiirka Maaliyada oo Madaxa usii salaaxi lahaa,waxuu Geed ku xiri lahaa Maxamuud Shido.

3.Boqorka haduu karaamayn lahaa oo Boqornimadiisa uqiri lahaa,isla markaana Ilmo Diyaano u ogolaan lahaa Nolol iyo in shaqaystaan,waxuu heli lahaa Beeshiisa oo umidaysan.

4.Qarjab in uu ka dhigo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,waxay keeni lahayd Dad badan in aysan kusoo deg-degin.

Dhamaan arimahan,waxay ubaahan yihiin dabacsanaan,kala gadasho iyo fahan uusan lahayn Deni.

Dadkaas aan Magac dhabey kuma haystaan Kursiga ee dano kala duwan ayay leeyihiin oo Maanta ku midaysay in ay Deni lawada diriraan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading