Maxay yihiin Qodobada laysku mari la’a yahay ee Shirka Xamar?

Qodobada laysku mari waayay,waxaa ka mid ah……

Xasan muxuu rabaa?

1.Xasan oo ku dhagan 2025 March in ay qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah Afarta DG.

2.Xasan oo soo jeediyay hal Gudi Doorasho in uu wada qabto Doorashooyinka oo idil.

DG maxay rabaan?

1.In ay Nov qabsadaan Doorashooyiinkooda  oo ay ku galaan mid dadban oo ay umadaxbanaan yihiin.

2.In la siiyo mudo kordhin siman oo ka bilaabata Nov 2024-Nov 2026.

Kulankii hore ee saakay,wuxuu ahaa mid amni,kadib,ayaa laguda galay kulankii caadiga ahaa.

Uma badna in wax laysku raacsan yahay kasoo baxaan,sababtoo ah Xasan ma ogola in DG ka mudo xileed danbeeyaan ama la simaan,sidoo kale DG ma ogola in ay Sanad gaaban qaataan oo Xasan la maamulo Doorashooyinkooda.

Waxay ubadan tahay in uu si rasmi ah iyadoon wax laysku raacay aysan jirin oo mid kale loo balamayo lagu soo kala tago oo Warqad aan macno lahayn laga soo saaro Galabta ilaa Berifoog.

Habayaraatee dan Umadeed kama shirayaan oo waxa ay ku loolamayaan waa Siyaasi walba tiisa,halka ay ka ahaan lahayd in Shirku noqdo mid Qaran oo saamayntiisa leh.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading