Maxay yihiin Qodobada looga xaajoonayo kulanka Itoobiya iyo Somaliya Ee Ankara?

Qodobada looga xaajoonayo kulanka Beri ka furmaya Ankara ee dhexmaraya Dowlada Itoobiya iyo Somaliya.

Waxay kala yihiin Qodobada….

1. Ka noqoshada MOU
2. ⁠Wadahadal Ganacsi
3. ⁠ATMIS iyo doorka Itoobiya.

DFS waxay umuuqataa in ay dabac ka muujisay wada xaajoodka Itoobiya oo ay ka tanaasushay oraahdeedii ahayd…

“Marka hore,waa in ay ka laabataaa isfahanka ay la gasahay SL ee MOU”.

Cadaadis ay samaysay BC,ayaa saamayn ku yeeshay DFS oo ku khasbay in ay shuruud la’aan aqbasho kulanka,sida xoguhu sheegayaan.

Dadka falanqeeya Siyaasada,waxay qabaan in aysan ceeb ku ahayn DFS dabaca ay muujisay balse uu yahay Qoob ka ciyaar Siyaasadeed oo loo baahnaa xilligan.

Itoobiya dhan walba marka laga eego khasaare kuma qabto loolanka hada socda.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading