Maxay yihiin shuruudaha horyaala si loo xiro Xaafiiska UNSOM Somaliya?

Somaliya in laga saaro Chapter-7,waxay ku xiran tahay Laba Qodob in Dowladnimada Somaliya gaarto,kuwaasoo kala ah…

B.Amniga Wadankoo mid ah.
T.Siyaasada Wadankoo mid ah.

Somaliya,waxaa loo geliyay Chapter-7 Laba arimood awgood,oo kala ah…

1.Amniga Wadanka oo burburay.
2.Siyaasada Wadanka oo burburtay.

Sidoo kale,waxaa khatar ka dareemay amnigooda iyo Siyaasadooda Dowladaha dariska ah,gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya.

Ma la maray Wadadii saxda ahayd si loo qaado?

B.In DFS iyo DG shiraan si Wadajir ahna iskula qaataan dalabka codsigaas.

T.In Golaha Wasiirada DFS ay kulmaan soona saaraan dalabka codsigan.

Nasiibdaro ma dhicin habeen xilli danbe ayay kasoo baxday Hal Xaafiis Warqada lagu dalbanayo xirida Xaafiiska Unsom Somaliya.

Sidoo kale in Xaafiiskan la xiro,waxay kaloo ubaahan tahay helida taageerada Itoobiya iyo Kenya oo sababaha loo hoos geliyay Somaliya Chapter-7 qayb ku leh.

Sida xoguhu sheegayaan MW Kenya dabac,ayuu umuujiyay Xasan mar ay kawada hadleen lkn taas lama aamini karo oo dan Siyaasadeed,ayuu markaas lahaa Ruto.

Sida la saadaalinayo Xaafiiska Unsom,waa sii joogayaa Somaliya,hadii la xirayana,waxay noqon doontaa dhawr Sano kadib.

Qof Somaliya oo diidi kara in Chapter-7 laga baxo majiro,waxaase caqabad ah in la xaliyo sababihii keenay in nala geliyo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading