Maxkamad ku amartay Maraykanka magdhow ka bixinta dilkii Qaasim Sulaymaan

Maxkamad ku taalla Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka in ay bixiso ku dhawaad $50-Bilyan oo ah magdhow.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump,ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasim Sulaymani iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020.

Maxkamadda Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah.

Maxkamadda,ayaa dambiyo ku heshay 42-Qof oo ay ku jiraan Trump, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, iyo xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mark Esper.

Qasim Sulaymani,ayaa ahaa taliyihii Guutada Qudus, oo ah garabka howlgallada arrimaha dibedda ee Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah.

Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dalka ee hormuudka ka ahaa hawlgallada Bariga Dhexe ee Iran, waxaana loo arkayay inuu ahaa geesi ka qayb qaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-88.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading