Maxkamada Caalamiga Ee Danbiyada oo amartay in lasoo xiro Hoggaamiyaha Xamaas

Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.

Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, afduub, kufsi, xadgudub galmo iyo jirdil.

Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil.

Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay “in la baabi’iyo dhammaan amarrada lagu soo xirayo hoggaamiyeyaasha iska caabinta Falastiiniyiinta”.

“Xamas waxay si adag u cambaaraynaysaa isku dayga dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee uu ku doonayo in dhibbanaha iyo dembiilaha la simo,” ayay tiri kooxdu.

Kooxdu ayaa sidoo kale waxay ka cawdeen in codsiga waaranka ee ka dhanka ah Netanyahu iyo Gallant uu yimid “toddobo bilood ka dib colaadda”, iyo in hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadda iyo militariga Israa’iil aan la soo hadal qaadin kuwaas oo ay Xamaas aaminsantahay in ay qayb ka yihiin dambiyada ka dhacaya Qasa.

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa Xamaas u aqoonsan in ay yihiin urur argagixiso.

Xigasho:-BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading