Maxkamada Sare Ee Maraykanka oo sii xoojisay go’aankii ka dhanka ahaa Tahriibayaasha

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Maxkamadda ugu saraysa Maraykanka,ayaa go’aan ay soo saartay ku xoojisay sharci xiligii Trump shaqaynayey, kaas oo ka hor istaagay kumannaan magan-galyo doon ah inay ka gudbaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Sharcigan oo lagu magacaabo ( title 42) ayaa laamaha ammaanka awood u siinaya inay celiyaan dadka sida sharci darrada ah u doonaya inay uga tallaabaan xadka Mexico iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya ayaa soo jeediyey in sharcigan aan lagu dhaqin dadka magangalayo doonka ah, hase ahaatee waxaa ka biya diiday dadka kasoo hor jeeda in soo galootiga xadka loo furo.

Biden,ayaa markii dambe soo jeediyay in sharcigani u shaqeeyo balse isbaddal lagu sameeyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading