Hargaysa – Maxkamada Sare ee Soomaaliland ayaa manta go’aan kama dambeys ah ka gaartay doorashadii 13-kii Bishaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi, oo uu ku geelaystay Muuse Bixii Cabdi.
Shir Jaraa’id oo ay war-fidiyeenada ugu qabteen Madaxda Maxkamada Sare Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku aqbaleyn natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka iyaga oo sheegay in aan wax dacwo ah loo soo gudbin.
Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo uu u tartamayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mar sii horaysay sheegay in doorashada la musuq-maasuqay wallow markii dambe uu aqbalay.
Daawo Shirka jiraa’id.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.