Muuqaal:-Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in lasii hayo Antony Thomas

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishou ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Banaadir ay maanta amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo nin ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Antony Thomas, oo ah 48 sana jir u dhashay dalka UK ayaa loo heystaa tuhun ah qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka walxo halis ah oo laga helay boorsadii uu ku raran lahaa xamuulka diyaarad uu raaci lahaa.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay Isniintii in ninkaasi boorsadiisa waxyaabaha laga helay ay ku jirtay sunta qiiqa dadka kaga ilmaysiiya oo gasac ku jirtay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka Wasiirka

https://youtu.be/Y2AWN-e4Gts

Tan iyo markii la qabtay ayaa ninkani waxaa baaris ku hayay oo su’aalo weydiiyay hey’adda Dambi Baarista dowladda CID iyo laanta Nabadsugigga iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Marka laga soo tago amarka Maxkamadda ay amartay in ninkan lagu sii hayo xabsiga dhexe, lama bixin faahfaahin ku aadan ilaa iyo hadda waxa lagu ogaaday baaristii lagu hayay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading