Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun ku riday Agaasimaha Hey’adda Sahan Reseach

Matt Brydan, Agaasimaha Hey’adda Sahan Reseach ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay shan sanno oo xariga ah, kaddib markii ay sheegtay inay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka.

Sidoo kale, Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya. Mr. Matt Brydan ayaa xukunka lagu riday isagoo ka maqan dalka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading