Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwadda u dhaxaysa Xisbiga Himilo Qaran iyo Hey’adda Duulista rayidka.
Dacwadaan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa Maxkmadda sare u gudbiyey Xisbiga Himilo Qaran oo uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dooda u dhaxeysa Xeer-ilaaliyaasha Qaranka iyo Garyaqaanada u doodaya Himilo Qaran ayaa dhawaan ka bilaabatay hoolka Maxkamadda ee dacwadaha lagu dhageysto.
18-ka bishaan ayay Maxkamadda sare markii u horeysay u fariisatay qaadista dacwadaan taas oo maanta markii labaad Maxkmaddu u fariisaneyso.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.