Maxkamadda Sare oo u fariisatay dhageysiga Dacwada Xisbiga Himilo Qaran+VIDEO

Maxkamada Sare ee Dalka ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga Dacwad uu Xisbiga Himilo Qaran u gudbiyay Maxkamada Sare ee Dalka Soomaaliya.

Dacwada ayaa la xiriirtaa xayiraadii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xayirey Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.

Goobta dacwada lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.

Dooda ugu horeysa ayaa maanta noqotay nuuca dacwadda iyo sida loo qaadayo taasi oo qareenada xisbiga ku doodeen in ay tahay mid Maamul, waana markii ugu horeysay ee Maxkamada sare ay dhagaysato dacwad Xisbiyada Mucaaradka ah ay ka gudbiyaan Dowladda Federalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading