MBS oo aan ka qaybgalayn Aaska Boqorada Ingiriiska

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman ayaan la fileyn inuu xaadiro aaska Boqorad Elizabeth maanta oo Isniin ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay qof la shaqeeya xafiiska arrimaha dibadda ee Britain.

Horay waxaa loo filayay inuu halkaas tagi doono kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay boqortooyada UK.

Sacuudi Carabiya waxaa matali doona Amiir Turki al-Faisal, sida ay wakaaladdu ka soo xigatay il-wareedka. Amiir Turki waa wasiirka arrimaha dibadda, wuxuuna xubin ka ahaa Golaha Wasiiradda tan iyo 2018. Waxaa awoowe u ahaa Boqor Fahad, wuxuuna ka mid yahay jiil cusub oo uu xukunka ku soo daray Amiir Maxamed.

Ilo ay soo xigatay Reuters ayaa sheegay in isbeddelkan uu ka yimid dhanka Sacuudiga.

Muran ayaa horay uga dhashay martiqaadka loo fidiyay dhaxal sugaha Boqoryooyada Sacuudiga.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay go’aanka lagu casuumay dhaxal-sugaha, oo haatan ah ninka ay gacanta ugu jirto talada Sacuudiga.

Amiirka oo loo yaqaanno “MBS”, ayaa waxay sirdoonka reer galbeedku ku eedeeyeen inuu amray dilka weriyihii sacuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji, sanadkii 2018. Hase yeeshee isagu wuu beeniyay inuu ku lug lahaa dilkaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading