Meydka Gabar Soomaaliyeed oo laga helay Webiga Mississippi ee Mareykanka

Muniiro Axmed oo ah Gabar Soomaaliyeed, lana la’aa Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga helay Meydkeeda webiga Mississippi ee hoos mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Ciidanka gargaarka deg-dega ah iyo booliiska magaallada Minneapolis ayaa meydka Munira ka soo saaray webiga Mississippi, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkeeda ama inay iyada Webiga ku dhacday.

Qaar kamid ah Qoyska Alle ha u Naxariistee Muniira ayaa dhankooda sheegay inay u maleeynayaan in Gabadhooda Webiga lagu riday, hayeeehee ay jawaab deg deg ah ka sugayaan Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading