Mid ka mid ah lataliyayaashii Madaxweyne Gaas Oo geeriyooday

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan oo ku geeriyaaday xalay Dalka Maraykanka Gaar ahaan Magaalada Virginia.

Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda ayaa waxaa tacsi udirayaa Guud ahaan shacabka Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan.

Marxuunka ayaa ku geeriyoodey MagaaladaVirginia ee Dalka Mareykanka halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadaray in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan uu ahaa shaqsi gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa lataliyaha Madaxweynha.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo qoyskii uu ka tegay.

INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading