Midowga Afrika oo umagacaabay dhexdhexaadiye xiisada Itoobiya iyo Somaliya

Midowga Afrika waxay laba todobaad gudahood soo saareen Laba qoraal oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay heshiiskii isfahamka ee ay 1-dii bishan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Baaqyadaas midkood waxaa soo saaray guddoonka midowga Afrika,halka kan labaadna uu soo saaray golaha nabadda iyo amniga.

Wax badan kuma kala duwana labada qoraal, waxayna ka midaysan yihiin baaq ay u dirayaan Somaliya iyo Itoobiya, ayagoo ka dalbanaya in xiisadda la dejiyo, laakinse waxaa qoraalka dambe ku cusub in midowga Afrika uu u xil saaray madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu fududeeye ka noqdo wadahadal dhex mara Itoobiya iyo Somaliya.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading