Midowga Musharixiinta oo ka horyimid Habraacii kasoo baxay Golaha Wada-tashiga Qaran (VIDEO)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa ka horyimid Habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee axadii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in habraacan uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May, iyagoona dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.

Ugu dambeyntii, Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay boob doorasho iyo colaad sokeeye inay dalka ka dhacdo, iyagoo tusaale u soo qaatay dalaalka dariska ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading