Midowga Musharixiinta oo ka horyimid Guddi uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa su’aal ka keenay Guddiga uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble baaritaanka cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtood laba sanno kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Guddiga, balse ay is weydiinayaan sababta loogu daray Guddiga Wasiiro iyo Saraakiil kamid ah Xukuumadda tabashada laga qabay, Waxaana ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Roble inuu soo magacaabo Guddi cusub oo lagu kalsoonaan karo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading