Midowga Yurub oo hakiyay wadahadalladii ganacsiga ee Australia

Midowga Yurub ayaa hakiyay muddo aan la cayimin wadahadallo qorsheysnaa oo ay la yeelan lahaayeen dalka Australia, waxaana arrintan imaneysaa kadib go’aankiii ay Australia kaga noqotay hishiis Faransiisku ugu sameyn lahaa maraakiibta gujisyada ah ee marta biyaha hoostooda.

Miriam Garcia Ferrer oo ah afhayeenka Guddida Midowga Yurub u qaabilsan gannacsiga ayaa go’aankan shaacisey Jimcihii shalay, laakiin wax faahfaahin ah kama ay bixin sababta, waxaana midowga Yurub ay wadaxaajood Gannacsiga Xorta ah la billaabeen Australia sannadkii 2018kii.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading