Midowga Yurub oo joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo uu siin Somaliya

Midowga Yurub,ayaa joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo ee uu siin jiray Somaliya,kaasoo ay marin jireen Hay’adaha UNICEF iyo WFP.

Go’aankan,waxuu ku yimid,markii ay soo baxeen musuq balaaran oo lagu sameeyay Deeqihii Sanadkii 2022-2023.

Wefti dabagal ah oo ka socda QM kana yimid Newyork,ayaa gaaray Magàalooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Gaalkacyo oo ay degan yihiin Barakacayaasha ugu badan.

Kooxdaas baarayaasha ah,waxay soo xaqiijiyeen in uu jiro musuq baahsan oo isku xiran ilaa Horjoogaha Xerada,Qofka Dhulka leh,Xaafiisayada NGO-yada iyo Ilaa Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Dhanka Dowlada,waxay kooxdan dul istaagtay Xaafiiska Maaraynta Masiibooyinka oo dhawaan loo dhiibay Nin ay isku hayb hoose yihiin MW Xasan kuna xiran mid ka mid ah Qoysaska Madaxweynaha.

Arinkan,waxuu saamaynayaa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Midowga Yurub uu siiyo Somaliya,gaar ahaan midka Safka hore ee loo yaqaan (A),kaasoo ah Cuntada iyo Biyaha).

Saamayntaas,waxay keeni kartaa in xaalka Cunnada iyo Biyaha Bulshada Somaliyed oo hadaba liitay uu kasii daro.

Jibril Qoobey.

https://www.reuters.com/world/eu-temporarily-holds-back-food-aid-somalia-after-un-records-widespread-theft-2023-09-18/


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading