Midowga Yurub Oo Madaxda Somalida ka Diyaarinaya xayiraado ka baaxad weyn kuwa Maraykanka

Kadib markii Maraykanku soo saareen Qoraal xambaarsan hanjabaado xayiraado dhanka Safarada iyo Dhaqaalaha ah,ayaa waxaa la sheegayaa in Midowga Yurub uu diyaarinaayo qoraal ka culeys badan kan Mareykanka lana filayo in uu dhowaan soo baxo.

Midowga Yurub,ayaa diyaarinaya ku dhowaad Liis ay ku qoran yihiin 100-xubnood oo ah Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saraakiisha Ciidamada ee Booliska, NISA, Asluubta iyo Xooga Dalka.

Masuuliyiintan,ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen tacadiyada lagula kacay Shacabka Somaliyed,Boobka Doorashada, Lunsashada hantida Ummada iyo ku tagrifalka awooda Xafiisyada.

Bartilmaameedka Midowga Yurub,ayaa noqon doona kuwa ku tagri fala Deeqaha ah Midowga Yurub ee haysta dhalashada Dalalkaas,kuwaasoo la dhigi doono magacyadooda Xafiisyada Interpol-ka.

Talaabooyinkan,ayaa ah waxa kaliya ee shacabka Somaliyed ay ka war sugayaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading