Miisaan ma leeyahay Shirka London Ee MW Xasan ka qaybgalayo?

Soo laabadkiisa Muqdisho ee Burundi,waxuu aadayaa London oo uu kaga qaybgalayo Shirka Gaajada Aduunka oo ay wada jir ay u Gudoomin doonaan Ra’isalwasaaraha UK.

Shirkaas Somaliya,waxuu ku yahay calaamad Gaajo,waana sababta ay Gudoonka wax ugu yeelatay.

Wadamada kale ee Saboolka ah Madaxdoodu waa ka maagteen maqaam ahaan in lagu sawiro Calaamada Gaajada oo waxay udirsanayaan Wafuud hoose.

Balse Somaliya Madaxii ugu sareeyay haykalkeeda Dowladnimo,ayaa isgaynaya oo waliba Gudoonka Gaajada noqonaya.

Safarkaas kadib MW Xasan,waxuu kusoo laabanayaa Xamar,waxuuna usocdaali doonaa Tansaaniya,kadibna,waxuu kusoo laaban doonaa Muqdisho,waxuuna usocdaali doonaa Imaaraadka.

Dhamaan Safaradaas,waxaa ku matali kara Somaliya RW,ku xigeenkiisa,Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading