Miisaaniyadda D/hoose iyo Dowladda Dhexe ee Puntland oo la mideynayo (Sawirro)

Wasaaradaha Maaliyada iyo arimaha gudaha ee Dowladda Puntland ayaa si wadajir ah u furay shirka midaynta Madaxyada -Miisaaniyadda Dawladaha hoose iyo Dawlada dhexe ee Puntland.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xafiiska Xisaabiyah Guud iyo Wasradad Armah Gudah, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan shire Abdi , Wasirka Armaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxaman dhabncad iyo Xisabyah Guud ee Dowladda Puntland Abdirsaq siicid Nuur.

Shirka ayaa loo qabtay Xisabiyaash iyo Xoghaysha Dalwdah hoose ee Degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso, Iyadoona u jeedad ugu weyn ee laga rabayna ay tahay sidii loo midayn lahaa Maxyadda Miisaaniyadda ay isticamaasho Dawladda Dhex iyo dowladaha hoose.


Shirkan ayaa inta uu socdo lagu midayn doonaa Madaxyo-Misaaniyadda Dawladaha hoose iyo Dawlada dhexe iyo sidii ay Dawladaha hoose iyo Dawlada dhexe ugu guuri lahaayeen nidaam xisaabeed cusub( PLFIMS).


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading