Milan oo dhowraysa tababare Antonio Conte

 AC.Milan ayaa indhaha ku haysa tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte kaas oo la sheegayo inuusan ku qanacsanayn hab dhaqanka maamulka kooxdiisa.

Maamulka kooxda reer talyaani ayaa sugaya Antonio Conte ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan si uu sifiican uga fikiro mustaqbalkiisa.

Waxaana la filayaa in Conte uu aqbalo dalabka AC.Milan haddii uu sii bato khilaafka haatan kala dhexeeya maamulka kooxda Chelsea.

Conte ayaa ah tababarihii markale dib u soo dhisay Juventus isla markaana kula guulaystay horyaalka talyaaniga 3-mar oo xiriir ah.

Maamulka Milan ayaana u arka Conte inuu yahay tababaraha ku haboon ee badali kara Gennaro Gattuso.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading