Milateriga Itoobiya oo gudaha ugalaya Caasimada Deegaanka Tigreega

Waxaa maanta la filayaa in Ciidamada federaalka ee Itoobiya ay galaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la fulinayo heshiiskii nabadeed ee ay dowladda iyo jabhadda TPLF kala saxiixdeen 2-dii bishii Nofeembar.

Ciidamada Tigray,ayaa sidoo kale la filayaa in ay bilaabaan in ay Hubkooda culculus ku soo wareejiyaan Dowladda.

Shalay, Shirkadda isgaarsiinta ee Ethiotelecom ayaa ku dhawaaqday inay dib u billowday adeegyadii isgaarsiinta Magaalada Mekelle.

Isniintii,ayaa ergadii ugu horeysay oo ka socota Dowladda Federaalka ay gaareen magaalada Mekele tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 2-sano ka hor.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading